Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya dad goob joogayaal
ah ayaa sheegay in ugu yaraan 20 ruux ay dhinteen kadib markii ay diyaarad
dagaal duqeyn ku beegsatay goob ay ka dhacaysay xaflad aroos.
duqeynta ayaa lala helay goob ay ku kulansanaayeen dad
isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo ka qeyb gelayay munaasabad Caruus, ilo
wareedyo ayaa sheegaya in diyaarad Faransiisku leeyahay ay dhowr gantaal
laheshay mid kamida guryaha deegaanka Boonti ee dhaca bartamaha dalka Maali.
Dad katirsan qabiilka Alfuulaani ee dega dalka Maali
ayaa usheegay warbaahinta in dadka labeegsaday ay ahaayeen rayid aan waxba
galabsan isagoo meesha ka saaray sheegashooyinka ka imaanaya cadowga ee ah in
ay beegsadeen dagaalyahanno katirsan mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam
walmuslimiin.
dowladda saliibiyadda Faransiiska ayaa sheegatay
mas'ulitadda weerarkan, afhayeen uhadlay wasaaradda difaaca Faransiiska ayaa
usheegay wakaladda AFP in ay duqeyn ku beegsadeen goob ay ku sugnaayeen wax uu
ugu yeeray argagaxiso ayna dileen 20 ruux.
Faransiiska ayaa si cad usheegtay mas'uuliyadda
jariimadii uu ka geystay bartamaha dalka Maali balse wuxuu isku dayayaa in uu
warbaahinta ku qanciyo in waxa uu dilay aysan aheyn shacab.
Heshiis sanado ka hor dhaxmaray xukuumadda dabadhilifka
Maali iyo saliibiyadda Faransiiska ayaa dhigaya in ciidamada Faransiiska aan
loo qabsan karin dambiyada daaal ee ay geystaan arrinkaas oo hor dhac u ahaa oo
fursad usiinaya in ay sii ballaariyaan xasuuqa ay ku hayaan shacabka.
duqeyntan muslimiinta badan lagu laayay waxay imaanaysaa maalmo kadib markii qaraxyo is xigxigay lagu dilay ugu yaraan 5 askari Faransiiska waxaana mas'uuliyadda weeraradaas sheegtay jamaacada ugargaaridda islaamka iyo muslimiinta
Ciidanka Faransiiska oo 20 qof shacab ah ku dilay duqeyn ka dhacday dalka Maali.
Wararka ka imaanaya Wadanka Maali ayaa sheegaya in diyaaradaha dowladda Faransiiska ay markale xasuuq daran ugeysteen dad muslimiin rayid ah.