Twitter oo xiray ciwaankii Trump iyo Koongareeska oo baaq jeediyay.

Saturday January 09, 2021 - 08:13:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Twitter oo xiray ciwaankii Trump iyo Koongareeska oo baaq jeediyay.

    Golaha Kongareeska Mareykanka ayaa shaaciyay in ay dacwado kusoo oogo doonaan Donald Trump madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Kongareeska Mareykanka ayaa shaaciyay in ay dacwado kusoo oogo doonaan Donald Trump madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo.


Nancy Pelosi oo ah guddoomiyaha golaha Baarlamaanka ayaa sheegtay in ay maxkamad soo taagi doonaan Trump oo ku eedaysan in uu mas'uul ka ahaa weerarkii lagu qaaday xarunta golaha Koongareeska islamarkaana uu halis geliyay amniga qaranka Mareykanka.

Kala qeybsanaanta dhanka siyaasadda ah ayaa sababtay in mas'uuliyiinta ugu sarraysa xukuumadda Washington ay diidaan aqbalaadda guusha madaxweynanimo ee Joe Biden uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay.


Boqolaal xildhibaan oo katirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa ugu baaqay madaxweynaha Mareykanka in uu iscasilo si uu uga badabaado maxkamadeyn balse lataliyaha Trump ayaa baaqaas ku gacan sayray.

Dhinaca kale shirkadda Twitter-ka ayaa xirtay ciwaankii Trump, war qoraal ah oo kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba ay xirtay ciwaankaas oo ay ku eedaysay in lagu faafinayay farriimo rabshado iyo kacdoon ku boorinaya bulshada Mareykanka.

Shirkadda Facebook ayaa iyana maalintii Arbacada xayiraad kusoo rogtay ciwaanka Trump taas oo ka dhigan in madaxweynaha Mareykanka uu wajahayo go'doomin dhanka warbaahinta ah.
 
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items