Sarkaal Jabuutiyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan.

Saturday January 09, 2021 - 09:13:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sarkaal Jabuutiyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar culus oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Hiiraan ee ku jira gacanta ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo Jabuutiyaan ah oo ku sugan Jalalaqsi
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar culus oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Hiiraan ee ku jira gacanta ciidamada shisheeye.


Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in halkaas uu xalay ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay jihaadiyiinta Al Shabaab iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

ilo wareedyo rasmi ah ayaa sheegaya in sarkaal Jabuutiyaan ah oo darajadiisu aheyd Kabtan uu ku dhintay dagaalka.

"Mujaahidiinta ayaa dagaal culus oo ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Murtadiinta Jabuuti ee degmada Jalalaqsi waxay ku dileen sarkaal ciidan oo darajadiisu tahay Kabtan" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.


Wararka ayaa intaas ku daraya in meydka Kabtan Cusmaan iyo dhaawacyada sedax askari Jabuutiyaan ah ay xalay saqdii dhexe diyaarad ka qaadday garoonka degmada Jalalaqsi.

Dad ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen hugunka madaafiic ay ciidamada AMISOM ku duqeynayeen dhulka howdka ah ee Jalalaqsi ku hareeraysan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items