Xilli ay xiisado siyaasadeed ka aloosanyihiin gobolka Hiiraan ayay dowladda Farmaajo halkaas udaabushay ciidamo si ay udifaacaan maamul iyada daacad u ah.
Diyaarado sida boqolaal maleeshiyaad ah ayaa saaka ka degay garoonka
diyaaradaha magaalada Beled Weyne waxaana la dajiyay saldhigyo kuyaal duleedka
magaalada.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan ay difaaci doonaan maamulka
Hirshabelle oo colaadin kala kulmaya sarkaal gadooday oo lagu magacaabo
Jeneraal Xuud kaasi oo ciidamo aruursi ka wada gudaha iyo hareeraha Beled
weyne.
Ciidamadan lageeyay Hiiraan oo si gaar ah daacad ugu ah Farmaajo iyo Fahad
Yaasiin ayaa sugi doono ammaanka Cali Guudlaawe hoggaamiyaha maamulka
Hirshabelle oo awoodi waaye in uu booqdo Beled weyne sababa laxiriira diidmo
uga imaanaysa siyaasiyiinta gobolka oo aad ugasoo horjeedo qaabka loo dhisay
maamulka fadhigiisu yahay magaalada Jowhar.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli dagaallo dad badan ku dhinteen ay isbuucyadii
lasoo dhaafay ka dhacayeen degmada Matabaan ee dhacda halka ay iska galaan
gobollada Hiiraan iyo Galguduud.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Dowladda Federaalka oo diyaarado ciidamo sida udirtay Beled Weyne.
Xilli ay xiisado siyaasadeed ka aloosanyihiin gobolka Hiiraan ayay dowladda Farmaajo halkaas udaabushay ciidamo si ay udifaacaan maamul iyada daacad u ah.