Rag hubaysan ayaa degmada Dayniile ku toogtay askari katirsanaa ciidamada
booliska dowladda Federaalka, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga dilka
geystay ay horay usii qaateen qori Ak47 ah oo uu watay askariga ladilay.
Dhinaca kale qarax ka dhacay degmada Dharkeynleey ayaa sababay dhaawacyo soo
gaaray ciidamo katirsan dowladda.
Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa haleelay gaari qooqan ah oo ay la socdeen
saraakiil katirsan dowladda Federaalka, sawirro lagasoo qaaday goobta qaraxu ka
dhacay ayaa muujinayay waxyeello gaartay gaariga labeegsaday
Askari lagu dilay Dayniile iyo qarax ka dhacay Madiina.
Weeraro khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.