Weerar 5 Askari Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Saturday January 09, 2021 - 19:35:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Weerar 5 Askari Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo maanta ciidamada shisheeyaha lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo maanta ciidamada shisheeyaha lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa deegaannada Taabto iyo Dhoobleey ayaa sheegaya in maanta barqadii halkaas dhowr qarax lagula beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Kenya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyada lagu gubay illaa laba gaari oo ay la socdeen ciidamada KDF-ta loo yaqaan, dad xoola dhaqata ah ayaa u sheegay warbaahinta in ay maqleen jufta dhowr qarax kadibna ay sheedda ka arkeen uuro madoow oo cirka isku shareertay.


Gaadiidka lagubay ayaa kala ahaa Beebe iyo Taaw waxaana ku dhintay illaa 5 askari Kenyaan halka 2 kale ay dhaawacyo soo gaareen, war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay khasaaraha ciidanka Kenya kasoo gaaray qaraxyadii maanta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items