Waxaa cirka isku shareeray khilaafka udhaxeeya dowladda Farmaajo iyo maamul goboleedyada oo ku aaddan hanaanka doorashada.
War rasmi ah oo kasoo baxay R/wasaare Max'med Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in go'aan lagu gaaray guda gelidda doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa madaxtinimo.
Xukuumadda Villa Somalia waxay sheegtay in ay guuldarraysteen dadaalladii lagu qancin lahaa mucaaradka iyo maamul goboleeyada tabashada ka qaba qaabka doorashadu udhacayso.
Dhinaca kale Qoorqoor oo ah madaxweynaha maamulka 'Galmudug' ayaa Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ku eedeeyay in ay diideen xal ka gaarista khilaafka taagan.
Golaha musharixiinta Madaxweyne ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in aysan aqbali doonin go'aanka ay gaartay xukuumadda Rooble.
Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa ka walaacsan in burbur uu ku yimaad dowlad ku sheegtii ay dhisayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Xukuumadda Rooble oo go'aansatay in ay qabato doorasho hal dhinac ah.
Waxaa cirka isku shareeray khilaafka udhaxeeya dowladda Farmaajo iyo maamul goboleedyada oo ku aaddan hanaanka doorashada.