Dhawaan waxaa lasoo gabagabeeyay dufcadii labaad ee macdahu Shariicakaas oo ay ka qalin jebiyeen arday gaaraysa ilaa 106 (boqol iyo lix) arday kuwaas oo dhamaystay waxbarashadii machadka.
Ardaydan ayaa ka gudbay imtixaankii kama dambaysta ahaa ee sanad-dugsiyeedka 1441-1442 Hijriyada.
Ardayda ayaa soo qaatay waxbarasho dhanka shareecada ah oo socotay muddo 5 sanadood ah, 2 kamid ah sanadahaas waxay kusoo qaatteen macaahidda qabaa'ilka ee wilaayaatka Islaamiga ah, halka 3 sano oo kale ay kusoo qaatteen machadu shariica.
Munaasabado lagu maamuusayo ardaydaas qalinjebisay ayaa waxay ka kala dheceen wilaayaatka Baay iyo Bakool iyo Galgaduud kuwaas oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan wilaayaatka Islaamiga ah sida culumada, ugaasyada, nabadoonada, nuqabada, aqoonyahanada, waalidiinta ardayda iyo masuuliyiin katirsan xarakada Al-Shabaab.
Masuuliyiinta ka qayb galay munaasabadda qalinjebinta ardayda ayaa waxaa kamid ahaa Afhayeenka Xarakada a Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage, Sheekh Fu'aad Maxamad Khalaf, Sheekh Yuusuf Kababutukade, Sheekh Xassan Yacquub Cali iyo Mas'uuliyiin kale oo fara badan.
Ardayda ayaa waxaa la gudoonsiiyay shahaadooyinkii qalinjebinta ee machadka shareecada, iyagoo sidoo kale lagudoonsiiyay hadiyado qaali ah oo ay ku jiraan Kombuyuutarro iyo lacago caddaan ah.
Xaflad loo qabtay Arday ka qalin jebisay Machadka Shareecada ee wilaayaatka Islaamiga ah (SAWIRRO).
Dhawaan waxaa lasoo gabagabeeyay dufcadii labaad ee macdahu Shariicakaas oo ay ka qalin jebiyeen arday gaaraysa ilaa 106 (boqol iyo lix) arday kuwaas oo dhamaystay waxbarashadii machadka.