Wakaaladda baadigoobka iyo badbaada dowladda Indonesia
ayaa sheegtay in ay heshay jir bani'aadam iyo qaar kamid ah dharkii ay
xirnaayeen dadkii la socday diyaaraddii burburtay shalay gelinkii dambe xilli
ay dul haadaysay jaziiradda Jaawa.
Diyaaradda oo nuuceedu ahaa Boeing 500-737 ayaa maalintii
sabtida ku dhacday biyaha jaziiradda Jaawah balse faah faahin intaas ka baxsan
lagama hayo oo waxaa lala'yahay dhammaan meydadka dadkii la socday.
Saraakiisha gurmadka degdegga ah waxay usheegeen
warbaahinta in waxyar oo kamid ah qalfoofka diyaaradda ay ka heleen badda
gunteeda walina ay socdaan howllaha gurmadka.
Diyaaradda burburtay ayaa aroortii hore ee maalintii
sabtiga ka kicitintay garoonka magaalada Jakaarta balse daqiiqado kadib markii
ay hawada gashay ayay dhacday.
Wasiirka gaadiidka Indonesia ayaa warbaahinta u sheegay
in ciidamada baadigoobka ay xadideen illaa laba goobood oo lafilayo in uu ku
dhacay Sanduuqa Madoow ee diyaaradda kaasi oo laga heli doono macluumaadka kama
dambaysta ah ee ku saabsan sababta keenta in diyaaraddu dhacdo.
Diyaaradda dhacday waxaa la socday 65 qof oo kala ahaa
53 qof rakaab ah iyo 12 qof oo ahaa shaqaalaha diyaaradda oo uu ku jiro
duuliyaha.
shirkadda Sriwijaya Air oo ay udiiwaangashaneed
diyaaradda burburtay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay ka walaacsantahay
rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda saarnaa waxayna sheegtay in diyaaraddu ay
kusii jeedday gobolka Kalimantaana ee dhaca galbeedka Indonesia.
65 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay dalka Indonesia.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil diyaaradeed oo markale ka dhacay wadanka Indonesia ee dhacay qaaradda Asia.