Mucaaradka Farmaajo oo Maleeshiyaad hubaysan soo bandhigay.

Monday January 11, 2021 - 10:41:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka Farmaajo oo Maleeshiyaad hubaysan soo bandhigay.

    Kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan dowladda Farmaajo ayaa maleeshiyaad hubaysan iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigay deegaanno dhaca duleedyada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan dowladda Farmaajo ayaa maleeshiyaad hubaysan iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigay deegaanno dhaca duleedyada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Tobanaan maleeshiyaad ah oo garwaaxsan hubka nuucyadiisa kala duwan islamarkaana watay gaadiid Cabdi Bilayaal ah ayaa warbaahinta loogusoo bandhigay duleedka degmada Kaaraan.

Maleeshiyaadkan waxaa wata sarkaal horay uga tirsanaa dowladda Federaalka kaasi oo lagu magacaabo Saneey Cabdulle islamarkaana daacad u ah Shariif Sheekh Axmed.


Saraakiil u hadlay ciidamadan ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan qaabka ay dowladda Farmaajo u waddo doorashada ayna difaaci doonaan midowga Musharixiinta.

Waxaa lasaadaalinayaa in haddii markale Farmaajo iclaamiyo in uu yahay madaxweynaha DF-ka ay maleeshiyaadkan iyo kuwa kale ay ka qeyb qaadan doonaan dagaal ka dhax qarxa dhinacyada dabadhilifyada ah ee isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items