Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo markale ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in weerar ay fuliyeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab lagu dilay maleeshiyaad katirsanaa dowladda Federaalka.
Ugu yaraan sedax askari ayaa ku dhintay weerarka oo ahaa mid jidgal ah "Sedax askari oo katirsanaa maleeshiyaadka Murtadiinta ayaa ku dhintay weerar kamiin ah oo ka dhacay duleedka Balcad laba qori iyo booshahna waa lagasoo qaniimeystay" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.
illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka oo ku saabsan weerarka ka dhacay Sh/dhexe mana ahan markii ugu horraysay oo weeraro ay ka dhacaan wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Weerar Askar lagu dilay hubna lagu qabsaday oo ka dhacay duleedka Balcad.
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo markale ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.