Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax maanta duhurkii askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ka dhacay deegaan weynaha Madiina ayaa lagu beegsaday askar iyo saraakiil katirsan maamulka degmada Kaxda waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo qaraxaas uu sababay.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa ay ku dhinteen laba askari halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, askarta dhaawacantay waxaa kujira sarkaal sedax xidigle ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in burbur xooggan uu gaaray gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen askarta iyo saraakiisha qaraxu uu haleelay, weerarkan waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay Xarakada Al Shabaab.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Qarax ay askar ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax maanta duhurkii askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.