Weerar Askar Kenyaan ah lagu dilay oo markale ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Monday January 11, 2021 - 17:49:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 15
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Kenyaan ah lagu dilay oo markale ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax markale ciidamo katirsan soo duulayaasha Kenya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax markale ciidamo katirsan soo duulayaasha Kenya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ee xuduud beenaadka dhaca ayaa sheegaya in maanta barqadii qarax aad u xooggan lagu beegsaday gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah.

Ugu yaraan 7 askari oo katirsan melleteriga Kenya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Dhoobleey iyo Hoosingoow.


Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab askarta qaraxa lagu dilay waxaa kamid ahaa sarkaal katirsanaa melleteriga Kenya kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Holland.

Waa qaraxii 2aad oo 24 saac gudahood ciidamada Kenya lagula beegsado deegaanno katirsan Jubbada Hoose, qarax shalay ka dhacay deegaanka Taabto ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 17 askari oo katirsan ciidamada loo yaqaan KDF.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items