Suudaan iyo Itoobiya oo ciidamo dheeraad ah ku daad gureeyay deegaanna xuduudda dhaca.

Tuesday January 12, 2021 - 11:43:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suudaan iyo Itoobiya oo ciidamo dheeraad ah ku daad gureeyay deegaanna xuduudda dhaca.

    Xiisada colaadeed oo aad udaran ayaa lagasoo sheegayaa xuduudda ay wadaagaan dalalka Itoobiya iyo Suudaan halkaas oo bishii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo khasaara badan dhaliyay oo lagu jebiyay maleeshiyaad Amxaara ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed oo aad udaran ayaa lagasoo sheegayaa xuduudda ay wadaagaan dalalka Itoobiya iyo Suudaan halkaas oo bishii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo khasaara badan dhaliyay oo lagu jebiyay maleeshiyaad Amxaara ah.

Warbaahinta maxalliga Suudaan ayaa sheegtay in kumanaan kun oo askari ay labada dhinac ku daad gureeyeen xuduudda islamarkaana ay jirto dhiillo colaadeed oo udhaxaysa dowladaha Itoobiya iyo Suudaan.

Saxiifadda Suudaan Tribune oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in Itoobiya ay kumanaan kun oo askari ku daad guraysay xuduudda ayna jirto dhiillo colaadeed, ismaamulka amxaarada ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay aagga dagaalka, markii ugu horraysay ay diyaaradaha dagaalka Itoobiya duulimaadyo ku sameeyeen aagga laysku murunsanyahay ee alfashqah halkaas oo bishii lasoo dhaafay ay dagaal ku qabsadeen ciidamada melleteriga Suudaan.


Warar soo baxay ayaa sheegaya in maleeshiyaad Amxaara ah ay weerar dhuumasho ah ku qaadeen alfashaqah ayna dileen illaa 5 ruux oo dhammaantood ahaa dumar.

dhinaca kale dowladda Suudaan ayaa ciidamo dheeraad ah geysay gobollada Alqadaarif iyo alkasalaha oo xuduudo lawadaaga wadamada Itoobiya iyo Ereteriya.

Qowmiyadda Amxaarad ayaa xukuumadda Abiy Axmed ku cadaadinaysa in ay xoojiso ciidamada xuduudda ku sugan ayna dib ugusoo celiso dhulkii ciidamada Suudaan ay qabsadeen bishii lasoo dhaafay dhulkaas oo saameyn weyn kulahaa dhaqaalaha Amxaarada.

Related Items