Wararka ka imaanaya gobolka Bineshanghuul ayaa sheegaya
in iska hor'imaadyo cusub oo dhaxmaray laba qowmiyadood ay gallaafteen nolosha
tobanaan ruux Itoobiyaan ah.
Saraakiil katirsan xukuumadda Xabashida ayaa xaqiijiyay
in iska hor'imaadyo shalay dhacay ay ku dhinteen dad ka badan 70 ruux tobaneeyo
kalane ay dhaawacyo soo gaareen.
Dagaalka ugu khasaaraha badan ayaa maleeshiyaad Amxaara
ah iyo kuwa kasoo jeeda Binshenghuul ku dhaxmaray mandiqadda Metekel halkaas oo
ay ku dhinteen 60 ruux sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin Itoobiyaan ah.
Iska hor'imaadyada oo daba socda xasuuq bishii lasoo
dhaafay galbeedka Itoobiya ka dhacay ayaa la sheegay in ay ku faafeen deegaanno
dhowr ah oo kulaala xuduudda ay wadaagan ismaamullada Amhara iyo Benishanghuul.
Weerar kale oo isna ka dhacay mandiqadda Konso ayaa
sababay dhimashada ugu yaraan 9 ruux iyo dhaawaca toban kale, maleeshiyaad aad
u hubaysan ayaa gubay oo dab qabadsiiyay dhowr tuulo oo ka dhacay aagga loo
yaqaan Konso oo si aad ah ay ugu loolamayaan maleeshiyo beeleedyo hubaysan.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay
holac ka baxaya tuulooyinka lagubay oo weerar daran kala kulmay maleeshiyo qaab
beeleed u abaabulan.
Dalka Itoobiya tan iyo sanaddii 2018 waxaa ka dhacayay
dagaallo laayaan ah oo udhaxeeya qowmiyadaha kala diimaha iyo kala dhaqanka ah,
colaaddan waxay sii hurtay markii uu Abiy Axmed talada lawareegay islamarkaana
uu dagaalka ku iclaamiyay qowmiyadda Amxaarada.
Dhinaca kale Xukuumadda Addis Ababa ayaa eedaymo iyo
digniin udiray dowladda Suudaan oo ku aaddan xiisadaha ka aloosan deegaannada
xuduudda dhaca.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa
shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in melleteriga Suudaan ay bishii lasoo
dhaafay duullaan ku qaaday gudaha dalka Itoobiya ayna qabsadeen deegaanno dhowr
ah.
Isagoo hadlayay ayuu yiri "Itoobiya waxay
aaminsantahay in wadaxaajood lagu xalliyo murunka xuduudda balse hanaanka
deganaanta ah waa in uusan isku bedelin cabsi, melleteriga Suudaan waxay
qabsadeen dhulka Itoobiya leedahay".
wuxuu intaas ku daray in ay xaqiijin karaan qabsashada
melleteriga Suudaan dhul katirsan dalka Itoobiya wuxuuna ka digay in iyaga uu
sabarku ka dhamaan doono.
Xukuumadda Abiy ayaa ku cataawday in Suudaan ay kaga
faa'iidaysatay mashquulka ay ku mashquulsantahay arrinta colaadda Tigreega ayna
ka qabsatay dhul istiraatiiji ah.
Sidoo kale dowladda Suudaan ayaa ku eedaysay Itoobiya
in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeymo ka geysteen xuduudda ayna halkaas ku
dileen dad shacab ah.
Dagaallo sababay dhimashada 70 ruux oo galbeedka Itoobiya ka dhacay.
Rabshado ay dad badan ku dhinteen ayaa markale dib ugasoo cusboonaaday deegaanno dhaca bartamaha iyo Galbeedka wadanka Itoobiya.