'Beesha Caalamka' oo dowladda Farmaajo uga digtay doorasho haldhinac ah.

Wednesday January 13, 2021 - 10:01:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Beesha Caalamka' oo dowladda Farmaajo uga digtay doorasho haldhinac ah.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale walaac ka muujisay khilaafka ka dhax aloosan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale walaac ka muujisay khilaafka ka dhax aloosan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda dowladda Federaalka.


Warsaxaafadeed kasoo baxay kuwa isugu yeeray saaxiibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka xunyihiin ismariwaaga ka taagan qaabka ay udhacayso doorashada madaxtinimo iyo midda baarlamaanka.

Qoraalka kasoo baxay shisheeyaha gummeysta Soomaaliya ayaa digniin loogu diray dowladda Farmaajo oo loo sheegay in aan laga yeeli doonin doorasho haldhinac ah islamarkaana lagu shubtay.

"Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay 'Beesha Caalamka".


Warsaxafadeedkan waxaa oo saaray dhinacyada ugu muhiimsan ee gacanta ku haya siyaasadda Soomaaliya sida Ururka Midowga Afrika ee hoggaanka u haya AMISOM,Mareykanka, Q.Midoobay,Itoobiya,Faransiiska iyo kuwa kale.

Siyaasiyiinta mucaaradka xil doonka ah ayaa ku eedaynaya Farmaajo iyo Fahad Yaasiin in ay soo xuleen guddi doorasho oo ay xubno ka yihiin shaqaalaha dowladda islamarkaana ay qorshaynayaan ku shubaho baahsan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items