Saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya oo weeraro lakulmay.

Wednesday January 13, 2021 - 17:38:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya oo weeraro lakulmay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo katirsan dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo katirsan dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.


Qarax culus ayaa xalay magaalada Kismaayo lagula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Nabad sugidda loo yaqaan ee maamulka isku magacaabay 'Jubbaland.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen illaa iyo sedax askari waxaana jirta waxyeello gaartay gaarigii Cabdi Bilaha ahaa ee labeegsaday.

Dhinaca kale xoogaga jihaadiga Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Halgan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Sidoo kale weerar safballaaran ah ayaa lagu ekeeyay saldhigyada ciidamada shisheeye ee degmada Xudur iyo deegaannada kala ah Arbacoow Janaale iyo Calamada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items