Duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Yahuudda oo lagu dilay Tobanaan Maleeshiyaad Shiico ah.

Wednesday January 13, 2021 - 14:41:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Yahuudda oo lagu dilay Tobanaan Maleeshiyaad Shiico ah.

    Wararka ka imaanaya Wadanka Suuriya ayaa sheegaya in duqeymo hor leh oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay sababeen dhimashada tobanaan askar iyo maleeshiyaad iiraaniyiin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Wadanka Suuriya ayaa sheegaya in duqeymo hor leh oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay sababeen dhimashada tobanaan askar iyo maleeshiyaad iiraaniyiin ah.


Sida wararku sheegayaan duqeyn ay geysatay diyaarad Yahuuddu leedahay ayaa dishay 5 askari Suuriyaan ah oo nidaamka Al Asad katirsan iyo 11 katirsan maleeshiyaadka daacadda u ah dowladda Shiicada iiraan sida uu sheegay markaz dabagal ku sameeya dagaalka Suuriya.

 

Sida wararku sheegayaan duqeynta ayaa beegsaday saldhig iyo xarumo hubka lagu kediyo oo kuyaal deegaan hoostaga magaalada Deyruzuur ee dhaca bariga wadanka Suuriya.


Wararku waxay sheegayaan in illaa 18 jeer ay diyaaraddu duqeysay ahdaata ay beegsanaysay, inta laxaqiijiyay dhimashada ayaa gaartay 16 ruux oo 11 kamid ah ay ahaayeen maleeshiyaad daacad u ah ciidanka kacaanka dowladda shiicada Iiraan.

Ilo wareedyo kale waxay tibaaxayaan in maleeshiyaadka labeegsaday ay ka kala tirsanaayeen Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan, guutada Faadimiyuun iyo ciidanka kacaanka Iiraan.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Yahuudda oo ku saabsan duqeynta ka dhacday Bariga Suuriya balse nidaamka Bishaar ayaa weerarkan si toos ah ugu eedeeyay Yahuudda.

Related Items