Qaraxyo ay ku dhinteen ciidamo katirsan AMISOM oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

Thursday January 14, 2021 - 09:17:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo ay ku dhinteen ciidamo katirsan AMISOM oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/hoose.



Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM kasoo gaaray laba qarax oo lagula beegsaday deegaanka Shalaambood ee dhaca duleedka magaalada Marka.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 4 Askari ay ku dhinteen qaraxyada halka 3 kale ay dhaawacyo soo gaareen, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyada lagu gubay gaari booyad ah oo ay wateen ciidamada laweeraray.



illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada Midowga Afrika oo ku saabsan qaraxyadan askarta looga dilay ee ka dhacay gobolka Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items