Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira ayaa sheegaya in markale uu halkaas ka dhacay weerar lagu beegsaday ciidamo Kenyaan ah.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weeraray deegaan hoos yimaad magaalada Mandheera halkaas oo ay ku suganaayeen ciidamo Kenyaan ah.
Sida wararku sheegayaan dagaalyahannada Jihaadiga ah ayaa qabsaday deegaanka Jiira Qaali halkaas oo ay ka eryeen ciidamo katirsan booliska Kenya.
Sida ay wararku sheegayaan saraakiishii hoggaaminaysay dagaalyahanada Al Shabaab ayaa goob fagaare ah uga khudbeeyay dadka deegaanka Jiira Qaali waxayna ku guubaabiyeen in ay ka fogaadaan saldhigyada iyo xarumaha dalka Kenya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Jihaadiyiintu ay gubeen xarunta shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda Kenya.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Xoogag Jihaadi ah oo dagaal kula wareegay deegaan katirsan gobolka Mandheera.
Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira ayaa sheegaya in markale uu halkaas ka dhacay weerar lagu beegsaday ciidamo Kenyaan ah.