Al Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaan katirsan gobolka Mudug.

Thursday January 14, 2021 - 20:14:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaan katirsan gobolka Mudug.

    Isbedel dhanka maamulka ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbedel dhanka maamulka ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka laga helayo Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay maanta gelinkii dambe weerar gaadma ah ku qaadeen deegaanka Xoosh oo qiyaastii 7Km ujira Bacaadweyn.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in iska hor'imaad culus uu gudaha deegaanka ku dhaxmaray xoogaga Jihaadiga ah iyo ciidamo katirsan guutada 21aad ee taabacsan dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadii dowladda ay isaga firxadeen saldhiggii ay ku sugnaayeen, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay isku fidinayay dhowr deegaan oo katirsan gobolka Mudug.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka isku magacaabay 'Galmudug' oo ku saabsan weerarka ka dhacay deegaanka Xoosh ee ugacan galay Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items