Fadhi ay
magaalada Washington ku yeesheen ayay 222 xildhibaan oo xisbiga dimuquraadiga
katirsan iyo 10 xildhibaan oo jamhuuriyiin ah ku ogolaadeen in madaxweynaha
waqtigiisu sii dhamaanayo lamaxkamadeeyo islamarkaana wax laga bedelo qodobka
25aad ee dastuurka Mareykanka.
illaa 197
xildhibaan oo katirsan xisbiga jamhuuriga ayaa diiday in madaxweynahooda
lacasilo iyagoo si aad ah udifaacay tasarufaadkii dhanka siyaasadda ahaa ee uu
ku dhaqaaqay afartii sano ee uu xilka madaxweynanimo hayay.
Dacwadahan
ay qaadeen xildhibaanada american-ka ah waxay timid isbuuc kadib markii ay
dhaceen rabshadihii dhiiggu ku daatay ee taageerayaasha Trump ay ku galeen
xarunta golaha Koongareeska magaalada Washington arrinkaas oo dhaliyay xiisado
siyaasadeed iyo cadaadis dhan walba ah oo usoo galay donald J.
Nancy
Pelozi oo ah haweenayda hoggaamisa golaha Koongareeska ayaa hadal kooban oo ay
ka jeedisay fadhigii aan caadiga aheyn waxay ku sheegtay in xildhibaanada
labada aqal ay si isku raaceen in lamaxkamadeeyo madaxweynaha Mareykanka.
Qaraarka
ay gaareen golaha koongareeska ayaa loo gudbin doonaa golaha senate-ka balse
maxkamadeyntu ma bilaaban doonto illaa laga caleema saarayo Joe Biden.
Waxaa la
sheegayaa in kulanka Trump lagu maxkamadeynayo uu dhici doono wixii ka dambeeya
20-ka bishaan taas oo ka dhigan in aysan suurtagal aheyn in lacasilo
madaxweynaha waqtigu ka dhaamaday balse xubnaha xisbiga dimuquraadiga ayaa
xeerinaya in maxkamadeyntu ay dhacdo si Trump looga mamnuuco in markale iskusoo
taago doorashooyinka madaxtinimada ee dhici doona sanadda 2024-ka.
dhinaca
kale kumanaan kun oo ruux american ah ayaa shalay udhintay cudurka carona
Virus, ilaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in shalay ay aheyd maalin kale oo
kumanaan kun ruux ay galbadeen.
Jaamacadda Johns Hopkins ayaa tirakoob ay soo saartay ku sheegtay in shalay ay carona
udhinteen dad gaaraya 4327 ruux halka uu soo ritay boqolaal kun oo ruux.
Koongareeska oo ogolaaday Mooshin lagu maxkamadeyno Trump iyo Carona oo kumanaan qof dilay.
Xildhibaannada golaha koongareeska Mareykanka ee ubadan xisbiga dimuquraadiga ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay mooshin ogolaanaya in Trump lamaxkamadeeyo oo lacasilo ka hor inta uusan waqtigiisu idlaan.