Warbixin:Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Dowladda Kenya Madaxa U Geliyey Dagaal Aan Dhamaad Lahayn.

Tuesday November 11, 2014 - 12:22:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 41
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Warbixin:Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Dowladda Kenya Madaxa U Geliyey Dagaal Aan Dhamaad Lahayn.

    Warbixin uu soo daabacay Wargeys lagu Magacaabo Mail & Guardian ayaa xog-baaris iyo dabagal ku sameysay Raadadka ka dhashay duulaankii Dowladda Kenya ay ku soo qaaday Soomaaliya 11-kii October, ee sanadkii 2011-ka, kaas oo madaxa la sii galaya Sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin uu soo daabacay Wargeys lagu Magacaabo Mail & Guardian ayaa xog-baaris iyo dabagal ku sameysay Raadadka ka dhashay duulaankii Dowladda Kenya ay ku soo qaaday Soomaaliya 11-kii October, ee sanadkii 2011-ka, kaas oo madaxa la sii galaya Sanadkii Afaraad, Waxaana Warbixinta lagu sheegay in xilligan aysan jirin qaab sahlan oo dowladaas ay kaga baxi karto dagaalkan.

Ciidamada Kufaarta Kenya ayaa qabsaday degmooyin ay ku jirto Magaalada Kismaayo tan iyo markii ay duulaanka ku soo galeen Koonfurta Soomaaliya, balse waxaa xaqiiq ah oo aanan daah saareyn in dowladdan ay dhaawac dhaqaale iyo mid nafeedba ay kala kulantay duulaankaasi.

Dhiigbax Dhaqaale

Dowladda Kenya ayaa si indha la’aan ah ciidankeeda ugu biireysay Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee ku howlgala Magaca AMISOM bishii February ee sanadkii 2012-ka, ka dib markii dhiigbax dhaqaale oo xoogan ay kala kulantay duulaankii ay ku soo gashay Soomaaliya, Sidoo kalena uu qalqal xoogan ku yimid ilihii dhaqaale ee gudaha wadanka.



Warbixintan oo soo xiganeysa Cutubyo Ciidamada Police-ka ee la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan "Argigixisada” ayaa sheegay in wax ka badan 130 weerar oo kale duwan ay ka dhaceen gudaha Kenya Saddexdii sano ee la soo dhaafay, taas oo micnaheedu yahay in Todobaadkiiba hal Weerar ugu yaraan martigeliyo wadanka Kenya.

Warbixino iyo daraasooyin kale oo la sameeyey ayaa lagu sheegay in tirade weerarada ee ka dhacay gudaha Kenya ay ka badan yihiin intaas, ayna sii kordhayeen sanadba sanadka ka dambeeya.

Arintan ayaa keentay in halis xoogleh uu galo Amniga dalka, ayna sidoo kale barburaan laamaha dhaqaale ee wadanka oo markii horeba ku tiirsanaa dalxiiska reergalbeedka iyo Shirkadaha Ganacsiga ee Caalamiga ah.

Weerarkii ugu weynaa ee Mujaahidiinta Soomaaliya ay ku qaadeen wadanka Kenya wuxuu ahaa howlgalkii lagu qaaday xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall, taas oo Mujaahidiintu ay ku dileen wax ka badan 100, Waxaana sidoo kale xigay weeraro dhowr ah oo ay ku jiraan howlgaladii lagu qaaday Jaziiradda Lamu bilihii Juun iyo Jully ee sanadkan kuwaas oo Iyaduna lagu toogtay wax ka badan 100 Kenyan ah.

Dalxiiska Wadanka

Jaziiradda Lamu waxay ka mid ahayd xarumaha ugu caansan ee dalxiiska dalka, basle Afartii bilood ee la soo dhaafay waxay Jaziiradu gashay Xaalad bandow ah markii Mujaahidiinta Soomaaliya ay weeraro xiriir ah ku qaadeen halkaasi.

Phylis Kandie oo ah Xoghayaha dalxiiska ee wadanka Kenya ayaa dhawaan shirjaraa’id oo ay ku qabatay Magaalada Nairobi wariyeyaasha ugu sheegtay in sanadkan uu hoos u dhacay dalxiiskii wadanka marka loo barbar-dhigo sanadkii tagay, waxayna sheegtay in 15% (Shan iyo Toban boqolkiiba) uu hoos u dhacay dhaqaalihii dalka marka loo eego sanadkii hore ee 2013-ka.

Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ayey sidoo kale sheegtay in imaatinkiisu ay aad u yaraatay islamarkaana sanadkan uu 13% hoos u dhacay, Waxaana taasi micnaheedu yahay in sanadba sanadka ka dambeeya uu hoos dhac dhaqaale ku sii socdo Wadanka.

Duulaanka indha-la’aanta ah ee Dowladda Kenya ay ku soo qaaday Soomaaliya ayaa dalkan madaxa u galiyey dagaal aan dhamaad lahayn iyo deero dhiigbax ah oo ay adag tahay in si sahlan looga baxo, Waxaana Saddex sano ka dib soo muuqanaya ifafaalo muujineysa bilowga jabka iyo burburka Dowladda Kenya.

Related Items