Al Shabaab "Majiraan Wax Maxaabiis Ah Oo Mujaahidiintu Kusoo Qabteen Weerarkii Mpeketoni".

Thursday June 19, 2014 - 09:23:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab "Majiraan Wax Maxaabiis Ah Oo Mujaahidiintu Kusoo Qabteen Weerarkii Mpeketoni".

    Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qaabkii uu udhacay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Mpeketoni Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burbur ka dhashay Weerarkii Mkepetoni 16 June,2014
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qaabkii uu udhacay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Mpeketoni Kenya.

Sarkaal katirsan Al Shabaab ayaa Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka xarakada u sheegay in aysan jirin wax maxaabiis ah oo ay kusoo qabteen howlgalkii dhawaan ka dhacay gudaha wadanka Kenya.

"Howlgalkii Mpeketoni ka dhacay sidii loo qorsheeyay ayuu kusoo dhammaaday majiraan wax maxaabiis ah oo ciidanka mujaahidiintu howlgalka kusoo qabteen,cadawgii laweeraray wuxuu noqday mid ladilay mid dhaawacmay iyo mid baxsadayā€¯ayuu yiri sarkaal Al Shabaab katirsan oo warkiisa laga baahiyay Idaacadda Andalus.


Taliyaha booliska Kenya oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidanka Al Shabaab ay 15 qof oo isugu jira rag iyo dumar soo qafaasheen warkaasi oo beenoobay.

Weeraradii ka dhacay Mpeketoni iyo dulleedkeeda ayaa gallaaftay nolosha inkabadan 70 qof oo Kenyan ah,qaar katirsan warbaahinta ayaa baahiyay warar sheegayay in mujaahidiinta Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen maxaabiis rag iyo durmar isugu jira.

Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items