Wiil Uu Adeer Uyahay Saacid Shirdoon R/Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya oo Mujaahidiinta Suuriya Ku Biiray.

Thursday June 19, 2014 - 10:57:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4535
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Uu Adeer Uyahay Saacid Shirdoon R/Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya oo Mujaahidiinta Suuriya Ku Biiray.

    Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in wiil uu adeer u yahay R/wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku biiray mujaahidiinta wadanka Suuriya ka dagaalamaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faarax Max'med oo ISIS ku biiray
Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in wiil uu adeer u yahay R/wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku biiray mujaahidiinta wadanka Suuriya ka dagaalamaya.

Faarah Max’med Faarax Shirdoon oo kamid ahaa jaaliyadda soomaalida Canada gaar ahaan magaalada Calgary ayaa kasoo muuqday Video ay dowladda Islaamiga ah ku baahisay baraha Internetka.

Shabakadda CBC News Canada ayaa booqatay gurigii uu magaalada Calgary ka deganaa Faarax Max’med Faarax waxayna wareysiyo layeelatay ehelka Faarax oo sheegay in ay ka naxeen markii ay warbaahinta ka arkeen wiilkooda oo jarjaraya baasaboorka Canada.


Qoyska uu Faarax Max’med kasoo jeedo ayaa caan ka ah wadanka Canada waana qoys ku jiray siyaasadda Soomaaliya balse wiilkooda ayaa aragti duwanaa oo aad ujeclaa in uu ka qeyb galo jihaadka caalamka islaamka ka socda.

Mujaahidkan Soomaaliga ah ee uu adeerka u yahay Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sanaddii 2012  ka qalin jebiyay machadka Alberta Institute of Technology waxayna bulshada soomaalida Canada qirtay in uu ahaa Nin aqoon leh oo heer sare ka gaaray barashada cilmiga Technology-da.

Mu’asasada Alfurqaan garabka warbaahineed ee Dowladda Islaamiga ah ayaa laba bil ka hor soo saartay Filim muuqal ah oo uu kasoo muuqanayay Max’med Faarah oo goodis udiray Mareykanka iyo Canada.

Michel Coulombe oo ah madaxa sirdoonka dalka Canada ayaa bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay sheegay in 130 dhalinyaro Candian ah ay u jihaad doonteen wadamada Yemen,Suuriya,Soomaaliya iyo Waqooyiga qaaradda Afrika
.

Xigasho:CBC News Guji

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items