Sarkaal Katirsanaa Dowladda Federaalka Oo Gobolka Gedo Lagu Dilay.

Thursday June 19, 2014 - 12:34:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Dowladda Federaalka Oo Gobolka Gedo Lagu Dilay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Ceel-cadde lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad Katirsan DF-ka
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Ceel-cadde lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa Dowladda Federaalka.

Wariye ku sugan gobolka Gedo ayaa soo sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay udhaceen guri uu Ceel Cadde ka deganaa ColCabdi Saalax Qamiis.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sarkaalka ladilay uu ahaa madaxii mukhaabaraadka ee ciidanka gumeysiga Kenya ee aagga Ceel Cadde illaa Faxfaxdhuun.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ee weerarka fuliyay ay dib uga laabteen Ceel Cadde,boqolaal katirsan ciidamada Kenya oo saldhigyo ku leh duleedka deegaanka ayaa gudaha usoo galay degmada.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items