Akhriso: Dagaallo Lagu Qaaday Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Ku Sugan Gobollada Bay iyo Galguduud Soomaaliya.

Saturday November 22, 2014 - 10:02:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Dagaallo Lagu Qaaday Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee Ku Sugan Gobollada Bay iyo Galguduud Soomaaliya.

    Ciidamada mujaahidiinta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay qaaday weeraro lagu naafeeyay ciidanka gumeysiga Itoobiya ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay qaaday weeraro lagu naafeeyay ciidanka gumeysiga Itoobiya ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelahelay ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaalameen ciidamada mujaahidiinta iyo ciidanka Itoobiya.

Dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ciidanka muslimiintu ay dhowr jiho ka weerareen gumeystaha Itoobiya ee soo duulayaasha ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen.


Dhinaca kale Dagaallo ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,wararka laga helayo Baydhabo waxay xaqiijinayaan in ciidanka muslimiintu ay weerareen saldhig Xabashidu ku leeyihiin garoonka diyaaradaha iyo xarunta ADC-da.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in hal askari oo katirsan ciidanka DF-ka lagu dilay weerarka ADC-da ka dhacay waxaana lafilayaa in khasaaruhu sii xoogeysto sababa laxariira dhaawacyada qaar oo xaaladoodu liidato.

Related Items