Laba Qof Xoola Dhaqata Ah Oo Ku Dhintay Duqeymo ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya ka Geysteen Duleedka Magaalada Kismaayo.

Saturday November 22, 2014 - 17:19:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Laba Qof Xoola Dhaqata Ah Oo Ku Dhintay Duqeymo ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya ka Geysteen Duleedka Magaalada Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad dagaal oo Kenya leedahay ay disho tobaneeyo neef iyo dad shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad dagaal oo Kenya leedahay ay disho tobaneeyo neef iyo dad shacab ah.
Maanta duhurkii ayay Duqeyn culus ku dhacday deegaanka Ceel-Cad oo qiyaastii 40 KM ujira magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Wariye C/wahaab oo Jubbooyinka ku sugan ayaa SomaliMeMo u sheegay in 2 qof oo xoola dhaqata ah ay ku dhinteen duqeynta halka inkabadan 50 neef oo ari iyo lo’ isugu jira ay baqtiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo is xigxigay oo ka dhashay duqeynta ay geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya,sida muuqata Kenya ayaa isku dayaysa in ay ka aargudato weerarkii khasaaraha badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka degmada Mandheera.


Ma ahan markii ugu horraysay oo diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeeyaan deegaanno ka dhaca wilaayaadka Gedo iyo Jubbooyinka ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items