Xasan Gurguurte oo Dardar Geliyay Gulufka Ka Dhanka ah R/wasaare Cabdi Wali Sheekh Warbixin.

Saturday November 22, 2014 - 17:39:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Gurguurte oo Dardar Geliyay Gulufka Ka Dhanka ah R/wasaare Cabdi Wali Sheekh Warbixin.

    Khilaafka udhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka ayaa gaaray meel xasaasi ah kadib markii waxa loogu yeero beesha caalamka ay ku guul dareysteen in ay iskusoo dhaweeyaan siyaasiyiinta is khilaafsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka udhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka ayaa gaaray meel xasaasi ah kadib markii waxa loogu yeero beesha caalamka ay ku guul dareysteen in ay iskusoo dhaweeyaan siyaasiyiinta is khilaafsan.

Xasan Gurguurte oo shalay dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa bilaabay olole siyaasadeed oo ka dhanka ah Cabdi Wali Sheekh R/wasaarihiisa ay kala fogaadeen.

Kulan maanta gelinkii dambe ka dhacay Villa Somalia ayuu Xasan Sheekh xildhibaano garabkiisa taabacsan kula dardaarmay in xilka qaadis ay ku sameeyaan RW Cabdi Wali Sheekh.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Xasan Gurguurte uu boorsooyin lacago ah udiray Hoteellada ay Muqdisho ka degganyihiin xildhibaanada baarlamaanka.


Max’med Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in isniinta soo socota uu baarlamaanku yeelan doono fadhi lagu falanqeynayo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda ee baarlamaanka hor yaal.

Related Items