Akhriso:Dagaallo Ka Dhacay Deegaanno Katirsan Gobollada Galguduud iyo Shabeelaha Hoose.

Sunday November 23, 2014 - 10:45:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:Dagaallo Ka Dhacay Deegaanno Katirsan Gobollada Galguduud iyo Shabeelaha Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmooyin iyo deegaanno cadawgu qabsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmooyin iyo deegaanno cadawgu qabsaday.



Ciidamada muslimiinta ayaa weeraro culus ku qaaday degmada Ceelgaras ee gobolka Galguduud halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan xabashida Itoobiya.

Dagaalka ayaa bilaawday xalay fiidkii wuxuuna qaaray habeen barkii xalay,daryanka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isweydaarsanayeen ayaa laga maqlay deegaanada hoos yimaad Ceelgaras.



Dhinaca kale dagaallo culus ayaa ciidamada Afrikaanta AMISOM iyo mujaahidiinta ku dhaxmaray deegaanka Shalaanbood duleedka magaalada Marka ee Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ka hor madaafiic xooggan lagu garaacay saldhigga ciidanka AMISOM kadibna waxaa xigay dagaallo fool ka fool ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items