Madaxtooyada Kenya oo Walaac Ka Muujisay in Dagaal Diimeed uu Ka Qarxo Wadankaasi.

Sunday November 23, 2014 - 11:37:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Kenya oo Walaac Ka Muujisay in Dagaal Diimeed uu Ka Qarxo Wadankaasi.

    Xukuumadda Kenya ayaa walaac ballaaran ka muujinaysa weerarada ka dhanka ah dadka nasaarada ee dib ugasoo cusboonaaday wadankaasi xilli ammaanka Kenya faraha kasii baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Kenya ayaa walaac ballaaran ka muujinaysa weerarada ka dhanka ah dadka nasaarada ee dib ugasoo cusboonaaday wadankaasi xilli ammaanka Kenya faraha kasii baxayo.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in weeraradii dadka badan lagu dilay ee ka dhacay duleed magaalada Mandheera.

Kenya ayaa wadnaha farta ku heyso in dadka Kenyatiga ah ee diimaha kala duwan heysta,lataliyaha Uhuru ayaa sheegay in dagaalka udhaxeeya muslimiinta iyo Nasaara uu Kenya gelin doono mashaakilaad dhan walba ah.

"Al Shabaab waxay doonaysaa in dagaal dhanka diinta ah ka dhax abuurto muslimiinta iyo Nasaarada Kenya shacabka waxaan leenahay is xakameeya oo dulqaataā€¯ayuu yiri lataliyaha Kenyatta.


Dadka arrimaha Kenya falanqeeya ayaa sheegaya in muslimiinta degta dhulka xeebaha ay baraarugeen ayna bilaabeen in ay ka aargoostaan Nasaarada talada heysa.

Howlgallo ka dhan ah dadka muslimiinta ah oo maalmo ka hor ka dhacay magaalada Mombaasa ayaa banaanka soo bandhigay sida ciidanka Kenya ubartilmaameedsanayaan muslimiinta.

Sheekh Cali dheere Afhayeenka xarakada Al Shabaab oo warbaahinta lahadlay ayaa muslimiinta Kenya ku booriyay in ay hurdada ka kacaan oo sharafkooda difaacdaan.

Related Items