Maxay Ku Heshiiyeen Hoggaamiyaasha Wadamada Khaliijka Shirkii Sacuudiga Ka Dhacay? Warbixin.

Sunday November 23, 2014 - 17:27:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ku Heshiiyeen Hoggaamiyaasha Wadamada Khaliijka Shirkii Sacuudiga Ka Dhacay? Warbixin.

    Kadib kulan ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, islamarkaana dhexmaray Maamulka Aala Sucuud iyo Dowladda daba dhilifka ee Qadar ayay labada dhinac waxay heshiis ka gaareen xaaladda ka taagan dalka Masar oo markii hore ay isku hayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, islamarkaana dhexmaray Maamulka Aala Sucuud iyo Dowladda daba dhilifka ee Qadar ayay labada dhinac waxay heshiis ka gaareen xaaladda ka taagan dalka Masar oo markii hore ay isku hayeen.


Sida uu daabacay Wargeyska Al-Xayaat ee kasoo baxa magaalada London waxay labada dhinac isku afgarteen ay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan mawaaqifta ay isku khilaafsanyihiin ee ay ugu weyntahay xaaladda siyaasadeed ee dalka Masar, waxaana qodobada lagu heshiisyay ka mid ah in Xukuumadda Riyaad ay dib usoo celiso xiriirkii diblumaasi ee ay la laheyd Xukuumadda Dowxa, kaas oo go'ay muddo hadda Sideed Bilood ku dhow.

Danjirihii Maamulka Daaghuutka ee Aala Sucuud u qaabilsnaa dalka Qadar ayaa dib ugu laabtay Xafiiskiisa magalada Dowxa, iyadoo dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ay qaadeen tallaab la mid ah tan Sucuudiga, ayna dib usoo celiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Dowladda Qadar.



Mas'uul ka gaabsaday magaciisa oo ka qeyb galay kulankii Wasiirada arrimaha dibadda ee dowladaha Khaliijku ay dhowaan ku yeesheen dalka Sucuudiga ayaa u sheegay Wargeyska Al-Xayaat " in maamulka Dowxa uu ogolaaday inuu wax ka badalo siyaasaddiisa ku aadan dalka Masar iyo inuu joojiyo Xamlooyinka Warbaahineed ee ka dhanka ah Nidaamka ee uu hogaamiyo Cabdul Fataax Siisii".

Heshiis ay si wada jir ah qalinka ugu wada duugeen Nidaamyada Dawaaghiida ah ee ka taliya dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo Qadar, islamarkaana lagu gorfeynayay sidii dowladaha Khaliijka ay isugu fahmi lahaayeen arrinta dalka Masar ayaa dhowaan ka dhacay magaalada Riyaad, inkastoo aan Warbaahinta loo soo bandhigin qodobada kama dambeysta ah ee heshiiskaas lagu gaaray.

Kaaliyaha Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Qadar Muxamed Ruxeymi ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray Riyaad uu kaliya ahaa mid lagu adkeynayo kulan horey u dhex maray dhinacyadaas, kaas oo looga haday sii wanaajinta xiriirka u dhaxeeya dowladaha ku mideysan Golaha Iskaashiga wadamada Khaliijka, isagoona ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo arrimaha kale ee kulankaas lagu soo hadal qaaday.

Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn oo dhinac ah iyo Dowladda Qadar oo dhinac kale ayaa xumaaday bishii Maarso ee Sanadkan, kadib markii seddaxdaas dowladood ay Xukuumadda Dowxa ku eedeeyeen inay jebisay heshiis mideysan oo ay ka gaareen arrimaha ka jira dalka Masar, iyadoo dowladaha Khaliijka ee uu horboodayo Sucuudiga ay doonayaan in la taageero Nidaamka afgembiga talada kula wareegay ee Cabdul Fataax Siisii, halka dowladda Qadar ay u aragto maamulka cusub ee dalka Masar mid talada si sharci darro ah kula wareegay, iyadoo taageersan Nidaamkii Ikhwaanul Muslimiinka ee uu hogaaminayay Maxamed Mursi.

Xukuumadda Dowxa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay qaadday ol-ole ballaaran oo warbaahineed oo ka dhan ah Nidaamka Sisiisii, iyadoo adeegsaneysa Tv-ga Aljazeera ee ay iyadu maamusho, waxaana arrimahaas is biirsaday darteed ay sababtay in dowladaha kale ee Khaliijka ee kasoo horjeeda Ururka Ikhwaanul Muslimiinka inay iyaguna qaataan go'aan kaas caksi u ah, waxeyna si buuxda u garab istaageen Nidaamka Cabdul Fataax As-siisii ee dhiigyo cabka ah.

Related Items