Al Shabaab "Way Nabad Qabaan Ciidanka Mujaahidiinta Ee Weerarkii Duleedka Mandheera Fuliyay" Warsaxaafadeed.

Sunday November 23, 2014 - 21:43:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab "Way Nabad Qabaan Ciidanka Mujaahidiinta Ee Weerarkii Duleedka Mandheera Fuliyay" Warsaxaafadeed.

    War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu beeniyay sheegasho dacaayad ah oo madaxda Kenya baahiyeen kuwaasi oo ku aadanaa in ay dileen ciidamo boqol ku dhaw oo mujaahidiinta katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu beeniyay sheegasho dacaayad ah oo madaxda Kenya baahiyeen kuwaasi oo ku aadanaa in ay dileen ciidamo boqol ku dhaw oo mujaahidiinta katirsan.



Warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ay bad qabaan dhammaan ciidankii fuliyay howlgalkii duleedka Mandheera ka dhacay ee dadka Nasaarada ah lagu laayay.

Shabaabul Mujaahidiin waxay xaqiijisay in aysan jirin wax dagaal ah oo ciidanka muslimiinta iyo kuwa Kenya dhaxmaray saacadihii lasoo dhaafay taasi oo meesha ka saaraysay sheegashada beenta ah ee Wilam Rutu madaxweyne ku xigeenka  dowladda Kenya.



"Way nabad qabaan ciidamada mujaahidiinta ee fuliyay howlgalkii duleedka Mandheera ka dhacay warka kasoo baxay dowladda Nasaarada Kenya waa been aan sal iyo raad laheyn”ayaa lagu yiri bayaanka oo uu ku saxiixnaa Sh.Abuu Muscab.

Ujeedka Kenya ka leedahay Faafinta dacaayadda beenta ah.

Nuqul kamid ah warsaxaafadeedka oo SomaliMeMo heshay waxaa lagu sheegay in madaxda Kenya oo cadaadis kala kulmaya shacabkooda ay faafinayaan been abuur dulucdiisu tahay in dareenka shacabka kacsan lagu dajiyo.

Weerar Maalinimadii Sabtiga ay ciidamo Al Shabaab katirsan ka fuliyeen tuulada Alcarabiya ee duleedka Mandheera ayay ku dileen 28 qof Kenyaan Nasaara ah oo 4 kamid ah ay boolis aheeyeen.

Related Items