Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah Ku Dilay Degmada Ceelgaras Gobolka Galguduud.

Monday November 24, 2014 - 11:58:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah Ku Dilay Degmada Ceelgaras Gobolka Galguduud.

    Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa markale xasuuq ka geystay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa markale xasuuq ka geystay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.



Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa markale xasuuq ka geystay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Ceelgaras ayaa sheegaya in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay gacanta ku dhigeen laba qof oo madaxa looga jiro "waalan” kadibna ay tookteen.

Nabadoon Bashiir Axmed Ceylle oo kamid ah waxgaradka beesha Maxamuud Hiraab "Duduble” ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ladilay lagasoo qabtay baadiyaha Ceelgaras isagoo xaqiijiyay in gumeystaha Itoobiya ay si ulakac ah u dileen dadkan shacabka ah.



Dadka ladilay ayaa kala ahaa Cali Cabdulle oo Cali dheere ku magac dheeraa iyo Cabdi Xasan Cilmi oo Cabdi Dhuux loo yaqaan,wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay burburin xooggan ka geysteen xaafado katirsan degmada Ceelgaras.

Waa markii 2-aad oo ciidanka Itoobiya ay dad shacab ah ku dilaan degmada Ceelgaras horay ayay gumeystuhu Oday da’ah iyo wiil dhalinyara ah ugu dileen deegaanka Dac ee duleedka Ceelbuur.

Related Items