Wasiirkii Difaaca Mareykanka oo Xilkii uu hayay Iska Casilay Kadib Markii uu ku Fashilmay la dagaalanka IS.

Monday November 24, 2014 - 18:54:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Difaaca Mareykanka oo Xilkii uu hayay Iska Casilay Kadib Markii uu ku Fashilmay la dagaalanka IS.

    Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ku dhawaaqay in uu aqbalay iscasilaad lama filaan ah oo uu ku dhaqaaqay Chuck Hagel wasiirkii difaaca Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ku dhawaaqay in uu aqbalay iscasilaad lama filaan ah oo uu ku dhaqaaqay Chuck Hagel wasiirkii difaaca Mareykanka.


War rasmi ah oo kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in wasiirkii difaaca uu go’aansaday in uu isaga tago shaqada uu dowladda ka hayay sababa laxariira dagaalka lagula jiro dowladda Islaamiga ah oo uu maareyn waayay.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Chuck Hagel uu kujiha wareeray agaasinka dagaalka lagu iclaamiyay xoogaga IS ee maamula dhul ballaaran oo katirsan wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

"Chuck Hagel oo 68 sana jir ah si lama filaan ah ayuu xilkii uu hayay isaga casilay kadib markii uu ku fashilmay dagaalka lagula jiro IS,waxaa dhici karta in uusan khibard uleheyn maareynta dagaalka dowladda Islaamiga ah sababtoo ah marxaladaha soo socda ayaa ah kuwa dhib badan”ayuu yiri Tifaftiraha New York Times.



Warar kale ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu jiray khilaaf udhaxeeyay hoggaanka Mareykanka oo ku aadanaa fashilka isbaheysiga 60-ka dowladood ka kooban kasoo wajahay dagaallada ay uga jiraan Ciraaq iyo Suuriya.

Related Items