CabdiCabdi Wali Sheekh "Mooshinka Sharci Darrada ah Waxaa Lagu Difaacayaa Wasiir Saaxiib La ah Madaxweynaha".

Tuesday November 25, 2014 - 10:37:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CabdiCabdi Wali Sheekh "Mooshinka Sharci Darrada ah Waxaa Lagu Difaacayaa Wasiir Saaxiib La ah Madaxweynaha".

    Waqti uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka ayay dhinacyadu xalka kama dambaysta ah door bidayaan baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqti uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka ayay dhinacyadu xalka kama dambaysta ah door bidayaan baarlamaanka.



Cabdi Wali Sheekh R/Wasaaraha DF-ka oo shalay gelinkii dambe warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in shiqroollo halis ku ah maamulkiisa lagasoo abaabulayo dhanka Madaxtooyada.

Wuxuu eedayn kulul ujeediyay Xasan Gurguurte iyo wasiirka Garsoorka Faarax Cabdu Qaadir isagoo hadlayay ayuu yiri ""Madaxtooyada waxaa laga soo abaabulay mooshin sharci darro ah oo caqabad ku ah habsami usocodka xukuumadda,shacabka soomaaliyeed waxaan usheegaynaa in dad dana gaar ah leh ay doonayaan in ay khal-khal geliyaan hay’adaha qaranka”.



Markii ugu horraysay ayuu daabolka ka qaaday halka ay iska arkeen Xasan Sheekh wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dad saaxiiba la ah hoggaamiyaha DF-ka ay khilaafka horay usii riixeen.

Cabdi Wali Sheekh ayaa si diirran usoo dhaweeyay buuqii ay ku dhaqaaqeen qaar katirsan xildhibaanada baarlamaanka wuxuuna ku sifeeyay ku difaacaya wax uu ugu yeeray "Xukuumad Sharci ah".

Related Items