Dagaallo Ka Dhacay Degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale Ee gobolka Baay.

Friday June 20, 2014 - 09:00:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Dhacay Degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale Ee gobolka Baay.

    Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ku dhaxmareen ciidamada xabashida Itoobiya iyo mujaahidiinta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ku dhaxmareen ciidamada xabashida Itoobiya iyo mujaahidiinta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada muslimiinta ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.

Dagaal muddo saacad iyo bar ah socday ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Qansaxdheere,dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaas xooggan iyo madaafiic ay isdhaafsanayeen labada dhinac laga maqlayay degmada.

Dhinaca kale ciidamada muslimiinta ayaa weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada gumeysiga Itoobiya ee degmada Bardaale,dagalka ka dhacay Bardaale waxaa ka qeyb qaadanayay gaadiidka dagaalka mujaahidiinta.


Gobollada Bay iyo Bakool ayaa kamid ah goobaha dagaalka ka dhanka ah gumeystaha Itoobiya uu sida dardarta leh uga socdo.

Related Items