Diyaaradaha Dagaal Kenya oo Duqeymo aan Wax Khasaara ah Geysan Ka Fuliyay Deegaan Katirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Tuesday November 25, 2014 - 17:15:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Dagaal Kenya oo Duqeymo aan Wax Khasaara ah Geysan Ka Fuliyay Deegaan Katirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geysteen dhul miyi ah oo dad xoola dhaqata ah ku sugnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geysteen dhul miyi ah oo dad xoola dhaqata ah ku sugnaayeen.


Maanta duhurkii ayay laba diyaaradood nuuca Miigaga waxay duqeeyeen duleedka deegaanka Hargeysa Yareey oo hoos yimaad degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Wariye C/Wahaab Bukhaari oo jubbada dhexe ku sugan ayaa soo sheegay in wax khasaara ah aysan ka dhalan duqeymaha diyaaradaha Kenya ka geysteen baadiyaha Hargeysa yareey.


Duqeyn kale oo ka dhacday deegaanno hoos yimaad degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad shacab ah,Kenya oo ciidankeedu ku fashilmeen duullaanka ay Soomaaliya kusoo qaadday ayaa isku dayaysa in ay dajio carada shacabku ka qaadeem weerarkii duleedka Mandheera ee 28 qof lagu dilay.

Related Items