Barakac Ka Bilaawday Waqooyi Bari iyo Shacabka Kenya oo Codsaday in Ciidankooda Soomaaliya Lagasoo Saaro.

Wednesday November 26, 2014 - 08:49:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barakac Ka Bilaawday Waqooyi Bari iyo Shacabka Kenya oo Codsaday in Ciidankooda Soomaaliya Lagasoo Saaro.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya Gumeysato "Waqooyi Bari" ayaa sheegaya in barakac xooggan uu ka bilaawday magaalooyinka waaweyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya Gumeysato "Waqooyi Bari" ayaa sheegaya in barakac xooggan uu ka bilaawday magaalooyinka waaweyn.



Kumanaan katirsan shaqaalaha dowladda Kenya iyo dadka Nasaarada ah ayaa bilaabay in ay isaga cararaan shaqooyinkii ay hayeen maalmo kadib markii dad Nasaara Kenyan ah lagu laayay duleedka magaalada Mandheera.

Guddoomiyaha degmada Mandheera ayaa xaqiijiyay in garoon diyaaradeed oo ciidanka Melleteriga ay leeyihiin ay soo buux dhaafiyeen boqolaal qof kuwaasi oo isugu jira kuwa doonaya in dhanka Nairobi ay u dhoofaan iyo kuwa megangelyo usoo raadsaday garoonka.


http://radioandalus24.com/wp-content/uploads/2014/11/10.jpg
Dibad baxyo ballaaran ayaa ka dhacay magaalada Nairobi waxayna dadku isugusoo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee magaalada,dibad baxayaasha ayaa ka cabanaya ammaanka wadanka ee faraha kasii baxaya.

Shacabka Kenya ayaa kor ululayay boorar lagusoo xardhay ciidanka Kenya ee Soomaaliya jooga Dhuxul ayay iibsanayaan annagan gudaha dalka ayaa nagula gummaadayaa.

Siyaasiyiin iyo horjoogayaasha bulshada ayaa ugu baaqday madaxda dalka in ciidanka Kenya ay kasoo saaraan Soomaaliya si nabad gelyadii muwaadiniinta dib ugusoo laabato.

Related Items