Daawo:Mujaahid Soomaali Ah Oo Ku Shahiiday Dalka Yemen Isagoo Ka Hoos Dagaalamaya Raayada Al-Qaacida.

Wednesday November 26, 2014 - 08:58:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo:Mujaahid Soomaali Ah Oo Ku Shahiiday Dalka Yemen Isagoo Ka Hoos Dagaalamaya Raayada Al-Qaacida.

    Mu'asasada Al-Malaaxim oo ah garabka Warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-Qaacidda ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa soo saartay Isdaar cusub oo qeyb ka ah silsiladda Minal-Meydaan, kaas oo ay ku soo bandhigayaan weerar heersare ah oo Mujaahidiintu ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-Malaaxim oo ah garabka Warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-Qaacidda ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa soo saartay Isdaar cusub oo qeyb ka ah silsiladda Minal-Meydaan, kaas oo ay ku soo bandhigayaan weerar heersare ah oo Mujaahidiintu ay kula wareegayaan mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Xukuumadda ridada ah ee Yemen.

Mujaahidiinta ayaa si buuxda gacanta ugu dhigaya Saldhigga, Waxayna halkaas ka soo ganiimeysanayaan hub aad u fara badan iyo gaadiid dagaal, waxayna sidoo kale gubayaan dabaabaadkii cadowga uu halkaas kaga cararay.

Sidoo kale Isdaarka waxaa lagu soo bandhigayaan tobaneeyo ka mid ah Maleeshiyada Xukuumadda Yemen ee lagu dilay dagaalka, kuwaas oo si ba’an ugu halaagsamay weerarka.

Ash-Shahiid Abuu Bakar As-Somali

SAWIR: Ash-Shahiid Abuu Bakar As-Somali

Qeybaha dambe ee Isdaarka ayey Mu’asasada Al-Malaaxim ku soo bandhigeysaa Shuhadada uu Allaah ku doortay dagaalka, Waxaana ka mid ah ragga uu Allaah doortay Walaal Muhaajir Soomaali ah oo lagu magacaabo Abuu Bakar As-Somali.

Al-Malaaxim wax faafaahin ah kama bixin walaalkan, balse waxay soo bandhigtay Isagoo Shahiid ah.

Kumanaan dhalinyaro Somali ah oo uu Allaah ku hanuuniyey wadada Jihaadka iyo Istish’haadka ayaa ku kala sugan daafaha Caalamka Iyagoo Mujaahidiin ah, Waxaana sharaf u ah dadka Soomaaliyeed in Wiilashooda ay maanta safka hore kaga jiraan halganka Jihaadka ah ee lagu difaacayo Diinta iyo sharafka Umadda.

Halkaan Ka Daawo Video Al-Malaaxim Oo Dhameystiran



Xigasho:Idaacadda Andalus

Related Items