Weerar Magaalada Kaabul Ka Dhacay oo Sedax qof Reer Galbeed ah Lagu Dilay iyo Daalibaan oo Sheegatay.

Thursday November 27, 2014 - 14:07:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Magaalada Kaabul Ka Dhacay oo Sedax qof Reer Galbeed ah Lagu Dilay iyo Daalibaan oo Sheegatay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday gaari ay la socdeen dad Nasaaro reer galbeed ah oo katirsan dowladda Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday gaari ay la socdeen dad Nasaaro reer galbeed ah oo katirsan dowladda Ingiriiska.




Camaliyad istish-haadi ah oo uu fuliyay mujaahid xakaynayay mooto dhug-dhugleey ah ayaa beegsatay gaariga gaarka ah ee safaaradda Ingiriiska  magaalada Kaabul.

Mujaahidiinta imaarada islaamiga Afghanistan ayaa durbadiiba lasoo degdegtay sheegashada camaliyaddan khasaaraha badan dhalisay,sheikh Dabiixullaahi Mujaahid afhayeenka mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in camaliyad qorshaysan ay ku qaadeen safaaradda ingiriiska islamarkaana ay beegsadeen dad caddaan ah oo bartilmaameed u ahaa mujaahidiinta.



Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda  Afghanistan ayaa xaqiijiyay in camaliyaddu ay si toos ah ubeegsatay gaariga safaaradda ingiriiska islamarkaana ay gubteen sedax gaari oo uu kujiro gaariga safaaradda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in laba askari oo afghanistaaniyiin ah iyo sedax ajaanib reer galbeed ah lagu dilay camaliyadda waxaana loo badinayaa in dadka ladilay ay ahaayeen Ingiriis waloow war rasmi ah uusan wali kasoo bixin safaaradda Britain ee Afghanistan.

Mujaahidiinta imaarada islaamiga ah ayaa horay ugu hanjabay in ay beegsan doonaan dhammaan danaha dowladda ingiriiska ee wadanka kadib markii ciidanka Britain ay ka qeyb qaateen duullaan gaaleedka afqaan lagu qaaday sanaddii 2001-da.

Weerarkan lagu dilay dadka Nasaarada ah ayaa qeyb ka ah camaliyadda Kheybar ee mujaahidiintu uga dhawaaqeen dhammaan wilaayaadka Afghanistan 9 bilood ka hor.

Related Items