Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay in Ay Usafraan Wadanka Kenya.

Saturday June 21, 2014 - 05:46:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay in Ay Usafraan Wadanka Kenya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta mareykanka aysan usafri Karin wadanka Kenya ee dhaca Bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta mareykanka aysan usafri Karin wadanka Kenya ee dhaca Bariga qaaradda Afrika.

Mareykanku waxay sheegeen in warar dhanka sirdoonka ay ka heleen muujinayaan in weeraro lala damacsanyahay danaha Mareykanka ee Kenya sidaasi daraadeed ay muwaadiniinta Mareykanka amar ku qabaan in aysan u safrin Kenya.

"Isbedelka dhanka ammaanka ah ee kajira Kenya ayaa nagu khasbaya in shaqaalaha gaarka ah aan u rarno wadamo kale halka muwaadiniinta aan uga digayno in ay usocdaalaan Kenya”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda USA.


Laamaha Ammaanka Mareykanka ayaa saadaaliyay suurtagalnimada weerar lamid ah midki isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay deeganka Mpeketoni  jaziiradda Lamu oo lagu dilay dad kabadan 70 qof waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Magaalooyinka iyo gobollada dadka Mareykanka looga digay in ay usafraan ayaa kala ah gaar ahaana Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu, iyo qeyb ahaan xeebaha gobolka Tana River.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa kula taliyay shacabka Kenya in ciyaaraha adduunka ay ku daawadaan guryahooda ayna joojiyaan isku imaatinada shaneemooyinka iyo fagaarayaasha sababa dhanka ammaanka ah.

Related Items