Wariye Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Degmada X/weyne Ee Magaalada Muqdisho.

Saturday June 21, 2014 - 09:30:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Degmada X/weyne Ee Magaalada Muqdisho.

    Ugu badnaan hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax xooggan oo saaka ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuqaalka qarax hore oo Muqdisho ka dhacay.
Ugu badnaan hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax xooggan oo saaka ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhashay walxaha qarxa oo lagusoo xiray gudaha gaariga qarxay oo waxyeello xooggan soo gaartay.

Saraakiisha booliska degmada Xamarweyne ayaa sheegay in qofka dhintay uu ahaa wariye ka howlgeli jiray mid kamida idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf Axmed Keynaan oo ahaa Tifaftirihii Idaacadda Mustaqbal ayaa la sheegay in uu ahaa qofka kaliya ee ku dhintay qaraxii ka dhacay degmada Xamarweyne.


Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay qaraxyo lagu jiha wareersanyahay ujeedooyinka laga leeyahay iyo cidda geysanaysa.

Isbuucii lasoo dhaafay qarax ka dhacay afaafka hore ee Isbitaalka Keysaneey degmada Kaaraan waxaa lagu dilay mid kamida Kalkaaliyaasha isbitaalka halka dhaawac uu soo gaaray Dr.Xoogsade oo kamid ah dhaqaatiirta magaalada Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items