Ciidamada AMISOM oo si kam ah u Laayay Maleeshiyaad Katirsan DF-ka gaari Dagaalna Gubay Duleedka Degmada Cadale Sh/Dhexe.

Thursday December 04, 2014 - 15:22:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo si kam ah u Laayay Maleeshiyaad Katirsan DF-ka gaari Dagaalna Gubay Duleedka Degmada Cadale Sh/Dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada shisheeye AMISOM ay gummaad kula kaceen maleeshiyaad katirsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada shisheeye AMISOM ay gummaad kula kaceen maleeshiyaad katirsan DF-ka.

Xalay saqdii dhexe ayuu gaari nuuca dagaalka ah oo uu watay sarkaal katirsan ciidanka Dowladda Federaalka wuxuu ka ambabaxay wuxuuna udhaqaaqay dhanka degmada Cadale oo AMISOM ku sugantahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaariga Cabdi Bile ah uu xoog ku jiiray difaac ciidamada AMISOM ka sameysteen duleedka Cadale kadibna waxay rasaas ku bilaabeen gaariga iyagoona dilay dhammaan wixii askar ahaa ee gaariga Cabdi bila ah la socday.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaariga oo gubtay saaka lagu arkay koontaroolka ciidamada shisheeye,saraakiil katirsan AMISOM ayaa sheegay in ay ku khaldameen gaariga oo ay umalaynayaan ciidamo shabaabul Mujaahidiin katirsan oo weerar kusoo qaaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 7 katirsan ciidanka DF-ka ay ku dhinteen gudaha gaariga iyadoona dhaawac uu gaaray sarkaalkii gaariga watay oo darajadiisa ciidan lagu sheegay Korneel.

Related Items