Ciidamada Muajaahidiinta Al Shabaab oo Diyaarad Dagaal Kenya ugasoo Riday Duleedka Kismaayo.

Thursday December 04, 2014 - 18:47:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Muajaahidiinta Al Shabaab oo Diyaarad Dagaal Kenya ugasoo Riday Duleedka Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay burburtay diyaarad nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidanka Cirka Kenya ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay burburtay diyaarad nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidanka Cirka Kenya ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa SomaliMeMo u sheegay in diyaarad nuuca miigga loo yaqaan ay ku dhacday meel 50 KM ujirta magaalada Kismaayo waxaana dhintay laba kamid ah duuliyaasha ciidanka Kenya.

Sarkaal katirsan ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijiyay in ciidankoodu ay dhulka soo dhigeen diyaaradda dagaalka xili ay duqeymo ka geysanaysay deegaanno katirsan wilaayada Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa iyana sheegay in ay arkayeen holac ka baxaya goobta diyaaraddu ku dhacday oo ah tuulada Dhaseg-Waamo oo 50 KM ujira magaalada Kismaayo.

Lasoco wixii soo kordha

Related Items