Faah Faahin:Qarayo Khasaara Badan Dhaliyay oo Baydhabo Ka Dhacay,Siyaasiyiin ku dhawaa Shariif Xasan oo Dhintay.

Saturday December 06, 2014 - 10:09:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Qarayo Khasaara Badan Dhaliyay oo Baydhabo Ka Dhacay,Siyaasiyiin ku dhawaa Shariif Xasan oo Dhintay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ugu yaraan 12 qof ayaa geeriyootay 35 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii laba qarax ay ka dhaceen bartamaha magaalada,dadka geeriyooday ayaa ubadan siyaasiyiin odayaal katirsan maamulka sedaxda gobol isku magacaabay ee Shariif Xasan madaxda ka yahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhaawacyo lajiifiyay isbitaalka weyn ee Baydhabo ay xalay saqdii dhexe ugeeriyoodeen dhaawacyadii gaaray.

Xasan Lug-buur guddoomiyihii shir guddoonka maamulka sedaxda gobolka ayaa si xun ugu dhaawacmay mid kamida qaraxyada sidoo kale waxaa dhintay ku xigeenkiisi.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in mid kamida qaraxyada lala helay isku imaatin ay ku shirayeen saraakiisha maamulka shariif Xasan ee Xabashida Itoobiya la shaqeeya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items