Qaraxyo Khasaara Dhaliyay oo Gilgilay Magaalada Godeey Ee Dhulka Soomaalida Itoobiya.

Saturday December 06, 2014 - 11:19:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara Dhaliyay oo Gilgilay Magaalada Godeey Ee Dhulka Soomaalida Itoobiya.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato "Killi5" ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ruxay magaalada Godeey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato "Killi5" ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ruxay magaalada Godeey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba qarax oo is xigxigtay lala helay Hoteello ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan ciidanka Itoobiya iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Soomaalida Itoobiya raacsan.

Hoteellada kala ah Rooyal iyo Wardheer ayaa ku burburay qaraxyada,gaadiidka caafimaadka ayaa goobta soo gaaray iyagoona daad gureeyay dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Itoobiya oo aan ogolayn warbaahinta madaxa banana ayaa isku dayaysa in ay qariso jiritaanka qaraxa iyo khasaaraha uu dhaliyay,wararka ayaa intaasi ku daraya in muddo saacada ah ay isgaarsiintu ka maqantahay magaalada Godeey.

Related Items