Dhageyso:Sh.Abuu Muscab oo Shir Jaraa'id Ku Faah Faahiyay Qaraxyadii Baydhabo iyo Dilka Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba.

Saturday December 06, 2014 - 19:40:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Sh.Abuu Muscab oo Shir Jaraa'id Ku Faah Faahiyay Qaraxyadii Baydhabo iyo Dilka Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba.

    Taliska ciidanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo ay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollo dhaca Koonfurta iyo waqooyi bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo ay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollo dhaca Koonfurta iyo waqooyi bari Soomaaliya.



Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Al Shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku faah faahiyay qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay magaalada Baydhabo,dilka guddoomiyihii degmada Buurhakaba iyo weerar ka dhacay buuralayda Galgala.

Ugu horrayn wuxuu sheegay in ciidamada Mujaahidiintu ay magaalada Baydhabo ku qarxeen isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan maleeshiyaadka amxaara kalkaalka ah islamarkaana ay halkaasi ku dileen 20 askar iyo saraakiil ah.



Saraakiisha lagu dilay weerarkii Baydhabo waxaa kamid ahaa sarkaalkii heystay deegaanka Daynuunaay iyo saraakiil kale oo Xabashida Itoobiya soo tababareen.

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab wuxuu soo hadal qaaday weerarkii dhabagalka ahaa ee maanta ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo gobolka Bay halkaasi oo lagu dilay guddoomiyihii degmada Buurhakaba uqaabilsanaa DF-ka iyo 2 sarkaal oo kale.

Afhayeenka ciidanka mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in ciidankoodu ay qaniimeysteen gaarigii uu watay guddoomiyaha ladilay iyo dhammaan wixii hub ahaa ee gaariga saarnaa.

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Abuu Muscab MP3

Related Items