Kooxo Hubeysan oo Degmada Yaaqshiid Ku Dilay Mid Kamida Ganacsatada Suuq Bacaad.

Monday December 08, 2014 - 11:34:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Hubeysan oo Degmada Yaaqshiid Ku Dilay Mid Kamida Ganacsatada Suuq Bacaad.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dilalka iyo qaraxyada kasii socdaan xaafado katirsan magaalada caasimadda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dilalka iyo qaraxyada kasii socdaan xaafado katirsan magaalada caasimadda ah.

Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in rag hubeysan ay dileen mid kamida ganacsatada Suuq Bacaad oo ah suuqa 2-aad ee ugu weyn Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa SomaliMeMo u sheegay in Rag bastoolada ku hubeysan ay suuqa Qandalka ku dileen ganacsade lagu magacaabi jiray Aweys Axmed Jiis iyagoona markii dambe goobta isaga baxsaday.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in aysan ogeyn sababta loo dilay ganacsadahan iyo cidda dishay,raggii weerarka geystay ayaa goobta si nabad gelyo ah uga baxsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items