Akhriso:Dagaallo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose,Gedo iyo Gaari Dagaal oo Webiga degmada Janaale Ku Dhacay.

Tuesday December 09, 2014 - 09:50:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:Dagaallo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose,Gedo iyo Gaari Dagaal oo Webiga degmada Janaale Ku Dhacay.

    Ciidamada mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ayaa xoojiyay dagaallada ay kula jiraan shisheeyaha duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ayaa xoojiyay dagaallada ay kula jiraan shisheeyaha duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.



Saacadihii lasoo dhaafay dagaallo khasaara dhaliyay oo lala galay ciidanka Afrikaanta iyo maleeshiyaad soomaali dabadhilifyo ah ayaa ka dhacay wilaayaadka islaamiga ah ee lagusoo duulay.

Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Gaddoondhawe ee gobolka Gedo ayaa lasoo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidanka kirishtanka Kenya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 2 askari Kenyan ah lagu dilay dagaalka halka 10 kale ay dhaawacyo soo gaareen,deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday.



Weerar kale oo ka dhacay degmada Afgooye waxaa lagu dilay mid kamida maleeshiyaadka DF-ka kuwa lacagaha canshuurta ah ka qaada gaadiidka dadweynaha.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Janaale ee shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in mid kamida gaadiidka dagaalka ciidanka DF-ka uu ku dhacay wabiga waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidankii gaariga la socday.

Related Items